
Axad, November 22, 2026 (HOL) – Kiiska dilka Maxamed, oo ahaa wiil Soomaali ah oo 14 jir ahaa, ayaa mar kale dib uga soo cusboonaaday dalka Sweden, kaddib markii Hay’adda La-dagaallanka Takoorka ee dalkaas (DO) ay dacwad ka dhan ah Booliska u gudbisay maxkamad, iyadoo ku eedeysay in qoyskiisa lagula kacay takoor ku saleysan asalkooda.
Maxamed ayaa bishii Luulyo 2023 laga waayay xarun daryeel carruur oo uu ku sugnaa, kaddib markii qoyskiisu ay booliska uga digeen khatar soo wajahday. Hase yeeshee, afar maalmood kaddib ayaa meydkiisa laga helay meel u dhow magaalada Nynäshamn, oo koonfurta kaga beegan caasimadda Stockholm.
Baaritaan ay samaysay idaacadda Sveriges Radio ayaa markii dambe daaha ka qaaday in xubno ka tirsan shabakadda dambiyada abaabulan ee Foxtrot ay afduubteen oo jirdileen wiilka, halka booliska lagu dhaliilay habkii ay uga jawaabeen digniinihii qoyskiisa.
Hay’adda DO ayaa sheegtay in boolisku ay ku guuldarreysteen inay hooyada Maxamed, oo aan ku hadlin afka Swedish-ka, u diyaariyaan turjumaan, isla markaana aysan dib ula soo xiriirin sidii ay hore ugu ballanqaadeen. Waxaa xusid mudan in walaashiis oo 12 jir ahayd ay markii hore booliska kala hadashay xaaladda walaalkeed.
Dacwadda ayaa sidoo kale iftiimisay walaaca laga qabo sida hay’adaha amniga Sweden ula macaamilaan qoysaska ka soo jeeda bulshooyinka soo-galootiga ah.
Saddex nin ayaa markii dambe lagu xukumay xabsi daa’in dilka Maxamed. Saaxiibkiis Layth, oo isaguna 14 jir ahaa, ayaa sidoo kale lagu dilay falal la xiriira rabshadaha kooxaha dambiyada abaabulan.
Booliska Sweden ayaa sannadkii 2025 qirtay inay jebiyeen xeerarka maamulka iyo qaar ka mid ah waajibaadka ku jira Heshiiska Xuquuqda Carruurta, balse waxay diideen eedeynta ah in qoysku uu takoor la kulmay.
Maxkamadda Degmada Stockholm ayaa la filayaa inay dhageysato dacwadda 13, 14 iyo 27-ka May 2027, iyadoo go’aan ka gaari doonta in hooyada Maxamed iyo walaashiis lagu sameeyay takoor iyo in qoysku xaq u leeyahay magdhow dhan 300,000 oo karoon oo Swedish ah.
Kiiskan ayaa noqday dacwaddii ugu horreysay ee Hay’adda La-dagaallanka Takoorka ee Sweden ay si rasmi ah maxkamad uga gudbiso Booliska dalkaas, taasoo dib u soo celisay doodda ku saabsan isla xisaabtanka hay’adaha amniga iyo ilaalinta xuquuqda qoysaska muhaajiriinta.