
Xigashada Sawirka, Anadolu Via Getty Images
Falastiiniyiinta ku barakacay dagaalka Gaza ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AP in ay rajeynayaan in heshiiska nabada uu u ogolaado in ay ka baxaan hoyga oo ay ku soo guryo noqdaan.
“Waxaan dib u dhisi doonaa guriga, waxaan dib u dhisi doonaa Gaza,” ayuu yiri Ayman Saber, oo ku nool Khan Younis.
Axmed Sheheiber waxa uu sheegay in uu “samir la’aan u sugayo” in uu ku laabto gurigiisa oo ku yaala xerada qaxootiga ee Jabaliya.
“Waa maalin weyn, farxad weyn,” ayuu yidhi.
Isku duwaha gargaarka Eyad Amawi ayaa sheegay in uu ka walaacsan yahay in Israa’iil ay caqabad ku noqoto heshiiska iyo in uu dareemayo farxad iyo murugo isku dhafan.
“Waan aaminsanahay oo ma rumaysno. Waxaan leenahay dareen isku dhafan, oo u dhexeeya farxad iyo murugo, xusuus, wax walba waa isku dhafan yihiin,” ayuu yiri.
“Waxaan u baahanahay inaan wax walba ku hagaajino halkan, gaar ahaan saameynta nafsaaniga ah si aan u sii wadno nolosheena,” ayuu raaciyay.

Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images