{"id":16716,"date":"2026-01-11T08:26:11","date_gmt":"2026-01-11T08:26:11","guid":{"rendered":"https:\/\/www.europesays.com\/africa\/16716\/"},"modified":"2026-01-11T08:26:11","modified_gmt":"2026-01-11T08:26:11","slug":"shiinaha-oo-digniin-ka-diray-faragelin-shisheeye-oo-lagu-sameeyo-tanzania-iyo-soomaaliya","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/www.europesays.com\/africa\/16716\/","title":{"rendered":"Shiinaha Oo Digniin Ka Diray Faragelin Shisheeye Oo Lagu Sameeyo Tanzania iyo Soomaaliya"},"content":{"rendered":"<p>        <a href=\"https:\/\/shabellemedia.com\/wp-content\/uploads\/2026\/01\/Wang-Yi.jpg\" data-caption=\"\" rel=\"nofollow noopener\" target=\"_blank\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" width=\"696\" height=\"450\" class=\"entry-thumb td-modal-image\" src=\"https:\/\/www.europesays.com\/africa\/wp-content\/uploads\/2026\/01\/Wang-Yi-696x450.jpg\"   alt=\"\" title=\"Wang-Yi\"\/><\/a><\/p>\n<p>Dar es Salaam \u2013 Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Shiinaha, Wang Yi, ayaa Sabtidii digniin adag ka jeediyay faragelin shisheeye oo lagu sameeyo arrimaha gudaha ee Tanzania, kaddib booqasho rasmi ah oo uu ku tegay dalkaas Bariga Afrika.<\/p>\n<p>\u00a0<\/p>\n<p>Wang Yi ayaa noqday wasiirkii ugu horreeyay ee arrimo dibadeed oo booqasho rasmi ah ku taga Tanzania tan iyo dibadbaxyadii ka dhashay doorashooyinkii dhacay dabayaaqadii sanadkii hore. Shiinaha, oo maal-gelin ballaaran ku sameeyay Tanzania sanadihii u dambeeyay, ayaan wax faallo ah ka bixin mudaharaadyadaas.<\/p>\n<p>Bayaan ay soo saareen mas\u2019uuliyiinta Tanzania kaddib booqashada ayaa lagu sheegay in Wang Yi uu dalkaasi ugu hambalyeeyay \u201cqabsoomidda guuleysatay\u201d ee doorashooyinka.<\/p>\n<p>\u201cShiinaha wuxuu mar kale caddeeyay kalsoonidiisa buuxda ee hoggaanka iyo hay\u2019adaha Tanzania, si ay si madaxbannaan u maareeyaan arrimahooda gudaha,\u201d ayaa lagu yiri bayaankaas.<\/p>\n<p>Dhanka kale, wasaaradda arrimaha dibadda ee Shiinaha ayaa sheegtay in Beijing ay si cad uga soo horjeeddo faragelin kasta oo dibadeed oo lagu sameeyo arrimaha gudaha ee Tanzania, isla markaana ay taageerto madaxbannaanida qaranka iyo amniga dalkaas.<\/p>\n<p>Kaddib booqashada Tanzania, Wang Yi ayaa la filayaa inuu u safro dalka Lesotho, taasoo qeyb ka ah safarkiisa qaaradda Afrika, xilli xiriirka Lesotho iyo Mareykanka uu saameyn ku yeeshay canshuuraha uu soo rogay Washington.<\/p>\n<p>Jimcihii, Wang Yi ayaa ka baaqday booqasho la filayay oo uu ku tagi lahaa Soomaaliya, taasoo noqon lahayd booqashadii ugu horreysay ee wasiir arrimo dibadeed oo Shiine ah tan iyo burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya sanadkii 1991.<\/p>\n<p>Booqashadaas ayaa lagu waday inay dhacdo xilli xasaasi ah, kaddib markii Israa\u2019iil ay aqoonsatay gobolka gooni-u-goosadka ah ee Somaliland.<\/p>\n<p>\u00a0<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"Dar es Salaam \u2013 Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Shiinaha, Wang Yi, ayaa Sabtidii digniin adag ka jeediyay faragelin&hellip;\n","protected":false},"author":2,"featured_media":16717,"comment_status":"","ping_status":"","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[55],"tags":[152],"class_list":{"0":"post-16716","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-tanzania","8":"tag-tanzania"},"share_on_mastodon":{"url":"","error":""},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/www.europesays.com\/africa\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/16716","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/www.europesays.com\/africa\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/www.europesays.com\/africa\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/www.europesays.com\/africa\/wp-json\/wp\/v2\/users\/2"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/www.europesays.com\/africa\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=16716"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/www.europesays.com\/africa\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/16716\/revisions"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/www.europesays.com\/africa\/wp-json\/wp\/v2\/media\/16717"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/www.europesays.com\/africa\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=16716"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/www.europesays.com\/africa\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=16716"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/www.europesays.com\/africa\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=16716"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}