Wasiirka Qoyska Soomaaliya oo Geneva Ku Shir Guddoomisay Kulan Loo Qabanqaabiyey Xuquuqul Insaanka

Sabti, Maarso 14, 2026 (HOL) – Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Amb. Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa magaalada Geneva ku shir guddoomisay kulan ay Soomaaliya soo qabanqaabisay, kaas oo diiradda lagu saaray horumarinta xuquuqul insaanka iyo la dagaalanka argagixisada. 

Kulankan waxaa sidoo kale ka soo qayb galay ka warbixiyaha gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee ka hortagga argagixisada iyo xuquuqul insaanka.

Kulankan oo qeyb ka ahaa Kalfadhiga 61aad ee Golaha Xuquuqul Insaanka QM, ayaa lagu soo bandhigay warbixinta rasmiga ah ee booqashadii ka warbixiyaha gaarka ah uu ku tagay Soomaaliya iyo aragtida qaaradda Afrika ee dib u eegista 9aad ee Istiraatiijiyadda Caalamiga ah ee Xuquuqul Insaanka, taas oo la qorsheynayo in la soo bandhigo bisha June 2026.

Ergeyga gaarka ah ee ka hortagga Argagixisada iyo Xuquuqul Insaanka ee QM, Prof Ben Saul, oo khudbad ka jeediyey kulanka, ayaa si weyn u amaanay guulaha iyo horumarrada joogtada ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, isagoo si gaar ah u bogaadiyey guulaha balaaran ee ay gaartay Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka.

Wasiir Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa soo dhoweeysay warbixinta iyo bogaadinta ka timid ka warbixiyaha gaarka ah, waxayna ka warbixisay tallaabooyinka muhiimka ah ee Soomaaliya qaaday sanadihii ugu dambeeyey iyo sida xooggan ee hormarrada dalka looga hirgelinayo caqabado kasta oo jira.

“Dhanka isla-xisaabtanka, Soomaaliya waxay qaaday tallaabo taariikhi ah, 10-kii Diseembar 2025, oo ah Maalinta Xuquuqul Insaanka, Madaxweynaha wuxuu meelmariyay Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka, isagoo farriin cad u diray shacabka iyo caalamkaba, Dr. Maryan Qaasim ayaa loo doortay inay noqoto Guddoomiyihii ugu horreeyay ee Guddiga, Guddigan wuxuu baari karaa xadgudubyada xuquuqul insaanka, oo ay ku jiraan kuwa la xiriira la-dagaallanka argagixisada, Waa hay’ad qaran oo loo dhisay inay dowladda kula xisaabtanto ficilladeeda,” ayay tiri Wasiir Khadija.