{"id":130195,"date":"2026-07-15T22:19:12","date_gmt":"2026-07-15T22:19:12","guid":{"rendered":"https:\/\/www.europesays.com\/dk\/130195\/"},"modified":"2026-07-15T22:19:12","modified_gmt":"2026-07-15T22:19:12","slug":"maersk-oo-kordhisay-kharashaadka-maraakiibta-u-kala-goosha-turkiga-iyo-soomaaliya","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/www.europesays.com\/dk\/130195\/","title":{"rendered":"Maersk oo kordhisay kharashaadka maraakiibta u kala goosha Turkiga iyo Soomaaliya"},"content":{"rendered":"<p style=\"text-align: justify;\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" src=\"https:\/\/www.europesays.com\/dk\/wp-content\/uploads\/2026\/07\/1784130592AP18092433861455-1723207782.jpg\" alt=\"Maersk oo kordhisay kharashaadka maraakiibta u kala goosha Turkiga iyo Soomaaliya\" width=\"660\" height=\"370\"\/><\/p>\n<p style=\"text-align: justify;\">Arbaco, Luulyo 15, 2026 (HOL) &#8211;\u00a0Shirkadda weyn ee maraakiibta caalamiga ah ee Maersk ayaa ku dhawaaqday inay kordhinayso kharashaadka lagu raro badeecadaha ka yimaada Turkiga kuna wajahan Soomaaliya, iyadoo ku dartay lacag dheeraad ah oo loo yaqaan Peak Season Surcharge.<\/p>\n<p style=\"text-align: justify;\">Shirkadda ayaa sheegtay in lacagtan dheeraadka ah lagu dabaqi doono maraakiibta xamuulka qaada iyadoo lagu saleynayo cabbirka konteenarrada iyo kharashaadka la xiriira gaadiidka badda.<\/p>\n<p style=\"text-align: justify;\">Sida ku cad bayaanka Maersk, konteenarka cabbirkiisu yahay 20-foot waxaa lagu kordhin doonaa lacag dhan 200 oo doolar, halka konteenarrada waaweyn ee 40-foot iyo 45-foot lagu dari doono lacag dhan 300 oo doolar.<\/p>\n<p style=\"text-align: justify;\">Maersk ayaa sheegtay in kharashkan cusub uu dhaqan geli doono laga bilaabo 28-ka Luulyo 2026, isla markaana uu khuseyn doono dalabaadka cusub ee la sameeyo wixii ka dambeeya taariikhdaas. Shirkaddu waxay caddeysay in ballamihii hore ee xamuulka aanay saameyn ku yeelan doonin.<\/p>\n<p style=\"text-align: justify;\">Lacagaha loo yaqaan Peak Season Surcharge ayaa inta badan lagu soo rogaa xilliyada ay kor u kacaan baahida gaadiidka badda iyo isticmaalka dekedaha, taas oo keenta in awoodda maraakiibta iyo adeegyada xamuulka ay yaraato.<\/p>\n<p style=\"text-align: justify;\">Sidoo kale, kororka qiimaha shidaalka, safarro dhaadheer iyo kharashaadka hawlgalka ayaa mararka qaar sababa in shirkadaha maraakiibtu ay kordhiyaan lacagaha dheeraadka ah si ay u daboolaan kharashaadka soo kordha.<\/p>\n<p style=\"text-align: justify;\">Maersk ma aysan sheegin sabab gaar ah oo keentay go&#8217;aankan, balse tallaabadan ayaa kusoo aadaysa xilli ganacsiga caalamiga ah iyo kharashaadka gaadiidka badda ay wajahayaan cadaadisyo kala duwan.<\/p>\n<p><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"Arbaco, Luulyo 15, 2026 (HOL) &#8211;\u00a0Shirkadda weyn ee maraakiibta caalamiga ah ee Maersk ayaa ku dhawaaqday inay kordhinayso&hellip;\n","protected":false},"author":2,"featured_media":130196,"comment_status":"","ping_status":"","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":"","_share_on_mastodon":"0"},"categories":[224],"tags":[63314,63316,63313,63311,63310,245,63312,36366,63317,63315,10347],"class_list":["post-130195","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-maersk","tag-goosha","tag-iyo","tag-kala","tag-kharashaadka","tag-kordhisay","tag-maersk","tag-maraakiibta","tag-oo","tag-soomaaliya","tag-turkiga","tag-u"],"share_on_mastodon":{"url":"https:\/\/pubeurope.com\/@dk\/116926321134058281","error":""},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/www.europesays.com\/dk\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/130195","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/www.europesays.com\/dk\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/www.europesays.com\/dk\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/www.europesays.com\/dk\/wp-json\/wp\/v2\/users\/2"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/www.europesays.com\/dk\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=130195"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/www.europesays.com\/dk\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/130195\/revisions"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/www.europesays.com\/dk\/wp-json\/wp\/v2\/media\/130196"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/www.europesays.com\/dk\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=130195"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/www.europesays.com\/dk\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=130195"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/www.europesays.com\/dk\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=130195"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}