
Sabti, Maarso 21, 2026 (HOL) – Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa si cad u sheegay in aanu doonayn xabbad-joojin lala galo Iran, isaga oo yidhi: “Dagaalka lama joojin karo marka aad si buuxda u burburinayso dhinaca kale,” hadalkan ayaa muujinaya in Washington ay sii wadayso duullaanka militari ee ka dhanka ah Iran.
Wararka ka imanaya Tehran ayaa sheegaya in diyaaradaha dagaalka ee Maraykanka iyo Israa’iil ay beegsadeen xaafado ay ka mid yihiin Shahrak-e Mahallati, Sahrak-e Pardis iyo magaalada Karaj. Sidoo kale, qaraxyo iyo weerarro ayaa laga maqlay Shahr-e Ray oo ku taalla koonfurta Tehran.
Duqeymahan ayaa sidoo kale gaadhay magaalooyin kale sida Tabriz iyo Isfahan, taas oo muujinaysa in dagaalku uu ku fiday qaybo badan oo ka mid ah dalka Iran.
Dhanka kale, hoggaanka Iran oo uu ka mid yahay Mojtaba Khamenei ayaa sheegay in weerarrada Maraykanka iyo Israa’iil ay ahaayeen “khalad weyn,” isaga oo xusay in Iran ay jawaab adag bixisay.
Ciidamada Iran ayaa ku dhawaaqay inay qaadeen mowjaddii 70-aad ee weerarro ah, iyagoo gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn ku weeraray saldhigyo ku yaalla gacanka Carbeed iyo gudaha Israa’iil.
Dhanka caalamka, xiisadda ayaa sii kordheysa, iyadoo dalal qaarkood ay bilaabeen inay qaadaan tallaabooyin muujinaya walaac. Sri Lanka ayaa diiday codsi uga yimid Marayka oo ku saabsanaa in laba diyaaradood oo dagaal ay ka deggaan dalkeeda, halka Switzerland ay joojisay dhoofinta hubka ee Maraykanka sababo la xidhiidha dagaalkan.
Dagaalkan oo ku soo beegmay xilli Muslimiintu u dabaaldegayaan Ciidul Fidriga iyo sidoo kale xuska Nowruz ee Iran, ayaa sii kordhinaya cabsi laga qabo inuu isu beddelo dagaal wayn oo gobolka oo dhan saameeya.