Soomaaliya iyo Turkiga oo dardargelinaya iskaashiga Awqaafta kadib kulan heer sare ah oo ka dhacay Ankara

Jimco, Agoosto 7, 2026 (HOL) – Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Turkiga ayaa qaaday tallaabo cusub oo lagu xoojinayo iskaashiga dhinaca awqaafta, kaddib kulan heer sare ah oo magaalada Ankara ku dhexmaray masuuliyiin ka kala socday labada dal.

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee Soomaaliya, Sheekh Mukhtaar Roobow Cali, ayaa booqasho rasmi ah ku tagay Xarunta Hay’adda Awqaafta ee Turkiga, halkaas oo uu kula kulmay Agaasimaha Guud ee hay’adda, İzzani Turan, iyo Agaasime Ku-xigeenka, Osman Zeki Çakıroğlu.

Kulanka, oo uu wasiirka ku weheliyay Danjiraha Soomaaliya ee Turkiga, Fathudiin Cali, iyo xubno ka tirsan wafdiga wasaaradda, ayaa diiradda lagu saaray ballaarinta iskaashiga labada dal ee dhinaca maamulka awqaafta, horumarinta hay’adaha, kobcinta awoodda shaqaalaha, iyo isdhaafsiga khibradaha farsamo.

Mas’uuliyiinta Turkiga ayaa soo bandhigay waayo-aragnimada dalkooda ee maamulka iyo horumarinta awqaafta, iyagoo muujiyay diyaar u ahaanshaha inay Soomaaliya la wadaagaan aqoon iyo farsamo lagu tayeyn karo hay’adaha qaabilsan waqafka.

Dhankiisa, Wasiir Sheekh Mukhtaar Roobow ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay mudnaan gaar ah siinayso dib-u-habeynta iyo casriyeynta maamulka awqaafta, si loo dhiso hannaan hufan oo waafaqsan sharciga, isla markaana waqafku uga qayb qaato horumarinta adeegyada bulshada iyo kobcinta dhaqaalaha.

Wasiirku wuxuu xusay in hirgelinta himilooyinkan ay u baahan tahay iskaashi dhow oo lala yeesho hay’adaha leh khibradda dheer ee maamulka awqaafta, isagoo tilmaamay in Turkigu yahay saaxiib muhiim ah oo Soomaaliya kala shaqeyn kara arrimahaas.

Kulanka Ankara ayaa loo arkaa mid gogol xaar u noqon kara wejiga cusub ee xiriirka labada dal ee dhinaca awqaafta, iyadoo labada dhinac ay muujiyeen sida ay uga go’an tahay hirgelinta barnaamijyo lagu xoojinayo maamulka, hufnaanta iyo horumarinta hay’adaha awqaafta ee Soomaaliya.