{"id":309213,"date":"2025-08-01T12:14:13","date_gmt":"2025-08-01T12:14:13","guid":{"rendered":"https:\/\/www.europesays.com\/uk\/309213\/"},"modified":"2025-08-01T12:14:13","modified_gmt":"2025-08-01T12:14:13","slug":"magaca-maxamed-oo-noqday-kan-ugu-caansan-ee-loo-bixiyo-carruurta-britain-sanadkii-labaad","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/www.europesays.com\/uk\/309213\/","title":{"rendered":"Magaca &#8216;Maxamed&#8217; oo noqday kan ugu caansan ee loo bixiyo carruurta Britain sanadkii labaad"},"content":{"rendered":"<p><img fetchpriority=\"high\" decoding=\"async\" src=\"https:\/\/www.europesays.com\/uk\/wp-content\/uploads\/2025\/08\/715ee1c0-6ecd-11f0-af20-030418be2ca5.jpg.webp.webp\"   alt=\"Caruur \" loading=\"eager\" width=\"988\" height=\"553\" style=\"aspect-ratio:988 \/ 553\" class=\"bbc-139onq\"\/><\/p>\n<p class=\"bbc-nyj3yn\" role=\"text\">Xigashada Sawirka, Getty Images<\/p>\n<p>7 Daqiiqadood ka hor<\/p>\n<p dir=\"ltr\" class=\"bbc-1y32vyc e17g058b0\"><b>Magacyada ugu caansan ee carruurta ku dhashay England iyo Wales sanadka 2024 ayaa la soo saaray, iyadoo Athena iyo Yahya ay markii ugu horreysay galeen 100-ka sare.<\/b><\/p>\n<p dir=\"ltr\" class=\"bbc-1y32vyc e17g058b0\">Maxamed ayaa kaalinta koowaad kaga jira liiska magacyada wiilasha sanadka labaad ee xiriir ah, iyadoo Nuux iyo Oliver ay iyaguna galeen kaalmaha labaad iyo saddexaad, siday u kala horreeyaan 2023.<\/p>\n<p dir=\"ltr\" class=\"bbc-1y32vyc e17g058b0\">Olivia iyo Amelia ayaa sanadkii seddexaad oo isku xigta heystay labada boos ee ugu sareeya magacyada gabdhaha, halka Isla ay ka soo gashay kaalinta seddexaad ka dib markii lagu bedelay Lily.<\/p>\n<p dir=\"ltr\" class=\"bbc-1y32vyc e17g058b0\">Liiska waxaa soo saaray Xafiiska Tirakoobka Qaranka (ONS), kaas oo soo ururiyay liiska xogta diiwaangelinta dhalashada.<\/p>\n<p dir=\"ltr\" class=\"bbc-1y32vyc e17g058b0\">Magacyada cusub ee 100ka magac ee ugu sarreeya gabdhaha waxaa ka mid ah Eloise, Nora, Myla, Rosa, Athena, Sara iyo Zoe. Mgaacyada cusub ee liiska ku soo biiray ee dhanka wiilasha waxaa ka mid ah Austin, Nathan, Vinnie iyo Yahya.<\/p>\n<p dir=\"ltr\" class=\"bbc-1y32vyc e17g058b0\">Maxamed wuxuu sii xajistay booskiisa magaca wiilasha ugu caansan, iyadoo 5,721 caruur ah loo bixiyay magacaasi. Waxa uu magaca maxamed galay kaalinta koowaad shan ka mid ah sagaalka gobol ee England halka gobolka Wales uu ka galay kaalinta 57-aad.<\/p>\n<p dir=\"ltr\" class=\"bbc-1y32vyc e17g058b0\">Higaada kale ee magaca ayaa sidoo kale liiska ku jiray: Maxamed ayaa galay kaalinta 21aad, iyadoo magaca la siiyay 1,760, halka Mohammad uu galay kaalinta 53aad, isagoo helay 986.<\/p>\n<p dir=\"ltr\" class=\"bbc-1y32vyc e17g058b0\">Ilaa 2,761 gabdho ah oo ku nool England iyo Wales ayaa loo bixiyay magaca Olivia, oo kaalinta kowaad ka gashay todobada gobol ee Ingiriiska iyo Wales.<\/p>\n<p>&#8216;Waalidku waxay doonayaan magacyo dhif ah&#8217;<\/p>\n<p><img decoding=\"async\" src=\"https:\/\/www.europesays.com\/uk\/wp-content\/uploads\/2025\/08\/aa843ef0-6ecd-11f0-8dbd-f3d32ebd3327.jpg.webp.webp\"   alt=\"Jaan-tus\" loading=\"lazy\" width=\"978\" height=\"748\" style=\"aspect-ratio:978 \/ 748\" class=\"bbc-139onq\"\/><\/p>\n<p dir=\"ltr\" class=\"bbc-1y32vyc e17g058b0\">SJ Strum, oo ah khabiir ku takhasustay dhallaanka iyo magac-bixinta , ayaa sheegtay in aysan la yaabin Olivia inay mar kale qaadatay lambarka koowaad, laakiin waxay sheegtay inay &#8220;balse wax yar niyad jab ay dareemeyso&#8221;.<\/p>\n<p dir=\"ltr\" class=\"bbc-1y32vyc e17g058b0\">&#8220;Waa magac qof walba uu jecel yahay &#8211; waxay ahayd Louise 90-meeyadii, Sarah 80-meeyadii,&#8221; ayay tiri Ms Strum.<\/p>\n<p dir=\"ltr\" class=\"bbc-1y32vyc e17g058b0\">&#8220;Olivia waa magac weyn, laakiin waxaan aragnaa in Olivias ay sii yaraanayaan. Dadku waxay hadda raadinayaan magacyo gaar ah.&#8221;<\/p>\n<p dir=\"ltr\" class=\"bbc-1y32vyc e17g058b0\">Waxay sheegtay in &#8221; hanaanka sare ee dhaqameed&#8221; ay had iyo jeer sameeyaan liiska, laakiin kuwa hoostooda waxaa ku jira magacyo uu saameeyay waxyaabaha markaas caanka ah.<\/p>\n<p dir=\"ltr\" class=\"bbc-1y32vyc e17g058b0\">Tusaalooyinka waxaa ka mid ah Margot, oo lala saminayo atariishada Hollywood-ka ee Margot Robbie, iyo Otis, oo ah jilaa ka tirsan taxanaha caanka ah ee Netflix Sex Education.<\/p>\n<p dir=\"ltr\" class=\"bbc-1y32vyc e17g058b0\">&#8220;Waalidiinta waxay ka qaadanayaan dhiirigelin adduunka ku hareeraysan waxayna raacayaan rabitaankooda,&#8221; ayya intaa ku dartay Ms Strum.<\/p>\n<p dir=\"ltr\" class=\"bbc-1y32vyc e17g058b0\">Laakiin marka laga hadlayo wiilasha, waxay sheegtay in waalidiinta Ingiriiska ay u muuqdaan inay yihiin &#8220;magacyo dhaqameed&#8221;, isku day ah &#8220;inay shaqooyiinka ku  guulaystaan&#8221;.<\/p>\n<p dir=\"ltr\" class=\"bbc-1y32vyc e17g058b0\">Waxay intaas ku dartay in magacyadii hore loo caan baxay qarni ka hor ay sidaas oo kale noqonayaan.<\/p>\n<p dir=\"ltr\" class=\"bbc-1y32vyc e17g058b0\">&#8220;Arthur hadda wuxuu ku jiraa 10-ka magac ee ugu sarreeya &#8211; sidaasi ma aysan ahaan lahayn xaaladda15 sano ka hor.&#8221;<\/p>\n<p dir=\"ltr\" class=\"bbc-1y32vyc e17g058b0\">Tan waxaa loo yaqaanaa qaanuunka 100-ka sano, sida uu qabo Clare Green, khabiir kale oo wax u qora magaca bixinta dhallaanka ee Nameberry.<\/p>\n<p dir=\"ltr\" class=\"bbc-1y32vyc e17g058b0\">&#8220;Waxaan u badanahay inaan isticmaalno magacyo weyn oo aan ahayn magac awoowe, laakiin jiilka soo koraya ay la bixi karaan,&#8221; ayay tiri.<\/p>\n<p dir=\"ltr\" class=\"bbc-1y32vyc e17g058b0\">Sababtaas awgeed ayaa laga yaabaa inaan aragno dib u soo kabashada magacyada sida Susan ama Roger jiilka soo socda, ayay raacisay.<\/p>\n<p>&#8216;Magacyada lala xiriiriyo waxyaabah dabiiciga ah waa caan&#8217;<\/p>\n<p dir=\"ltr\" class=\"bbc-1y32vyc e17g058b0\">Magacyada la xiriira dabeecadda ayaa sidoo kale sameeyay liiska magacyada ugu caansan, iyadoo Lily, Poppy iyo Ivy ay ka mid yihiin 10ka sare.<\/p>\n<p dir=\"ltr\" class=\"bbc-1y32vyc e17g058b0\">Ms Green waxay sheegtay in magacyadan oo kale ay yihiin &#8220;kuwa waligood sii jiraya&#8221; &#8211; waxay udub dhexaad u yihiin 100ka sare ee sanadahan.<\/p>\n<p dir=\"ltr\" class=\"bbc-1y32vyc e17g058b0\">Laakin ma jiraan kuwo ka yaabiyay sanadkan?<\/p>\n<p dir=\"ltr\" class=\"bbc-1y32vyc e17g058b0\">&#8220;Siyaabaha qaarkood, waa magacyada ay dadku dareemaan inay xoogaa taariikhaysan yihiin, sida Jessica, laakiin weli waxay ku jiraan liiska 100ka ugu sarreeya,&#8221; ayay tiri.<\/p>\n<p dir=\"ltr\" class=\"bbc-1y32vyc e17g058b0\">Magacyada wiilasha loo bixiyay wax ka yar shan jeer sanadka 2024 waxaa ka mid ah Awesome, Cuthbert, Crispin iyo Beckham.<\/p>\n<p dir=\"ltr\" class=\"bbc-1y32vyc e17g058b0\">Magacyada gabdhaha loo bixiyo in ka yar shan jeer waxaa ka mid ah Sicily, Everest, Orchid iyo Gabay.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"Xigashada Sawirka, Getty Images 7 Daqiiqadood ka hor Magacyada ugu caansan ee carruurta ku dhashay England iyo Wales&hellip;\n","protected":false},"author":2,"featured_media":309214,"comment_status":"","ping_status":"","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[5018,3,4],"tags":[748,393,4884,1144,712,16,15,1764],"class_list":{"0":"post-309213","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-britain","8":"category-uk","9":"category-united-kingdom","10":"tag-britain","11":"tag-england","12":"tag-great-britain","13":"tag-northern-ireland","14":"tag-scotland","15":"tag-uk","16":"tag-united-kingdom","17":"tag-wales"},"share_on_mastodon":{"url":"","error":""},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/www.europesays.com\/uk\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/309213","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/www.europesays.com\/uk\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/www.europesays.com\/uk\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/www.europesays.com\/uk\/wp-json\/wp\/v2\/users\/2"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/www.europesays.com\/uk\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=309213"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/www.europesays.com\/uk\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/309213\/revisions"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/www.europesays.com\/uk\/wp-json\/wp\/v2\/media\/309214"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/www.europesays.com\/uk\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=309213"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/www.europesays.com\/uk\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=309213"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/www.europesays.com\/uk\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=309213"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}