{"id":513394,"date":"2026-01-13T15:50:14","date_gmt":"2026-01-13T15:50:14","guid":{"rendered":"https:\/\/www.europesays.com\/us\/513394\/"},"modified":"2026-01-13T15:50:14","modified_gmt":"2026-01-13T15:50:14","slug":"minnesota-oo-sharciga-la-tiigsaneysa-maamulka-trump","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/www.europesays.com\/us\/513394\/","title":{"rendered":"Minnesota oo sharciga la tiigsaneysa maamulka Trump"},"content":{"rendered":"<p><img fetchpriority=\"high\" decoding=\"async\" src=\"https:\/\/www.europesays.com\/us\/wp-content\/uploads\/2026\/01\/19c53460-f036-11f0-b385-5f48925de19a.jpg.webp.webp\"   alt=\"Mareykanka \" loading=\"eager\" width=\"727\" height=\"381\" style=\"aspect-ratio:727 \/ 381\" class=\"css-1seqhu9\"\/><\/p>\n<p class=\"css-nyj3yn\" role=\"text\">Xigashada Sawirka, SOCIAL<\/p>\n<p><strong id=\"article-byline\" aria-hidden=\"true\" class=\"css-2ozlq5\">Article Information<\/strong><\/p>\n<p dir=\"ltr\" class=\"css-tmqcq9 e1yuyadm0\">Gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka ayaa dacwad ku soo oogay maamulka Trump si uu isugu dayo in uu u hor istaago saraakiisha socdaalka federaalka ee soo galaya gobolka.<\/p>\n<p dir=\"ltr\" class=\"css-tmqcq9 e1yuyadm0\">Dacwadda ayaa ku doodaysa in ciidanka halkaas la geynayo ay la mid tahay &#8221; duullaan federaal ah oo aan dastuuri ahayn. Xeer Ilaaliyaha Guud ee Minnesota Keith Ellison ayaa sheegay in howlgallada socdaalka ay saameeyeen nolosha malaayiin qof ayna sababeen &#8220;qas iyo rabshado&#8221;.<\/p>\n<p dir=\"ltr\" class=\"css-tmqcq9 e1yuyadm0\">Waxay kusoo aadeysaa ka dib markii Renee Good, oo 37 jir ahayd, uu wakiilka socdaalka Minneapolis toogtay usbuucii hore, taasoo kicisay mudaaharaadyo waaweyn oo magaalada ka dhacay.<\/p>\n<p dir=\"ltr\" class=\"css-tmqcq9 e1yuyadm0\">Dacwaddu waxay waydiisanaysaa maxkamadda federaalka inay ku dhawaaqdo in geynta ciidamada halkaas ay tahay sharci darro. Maamulka Trump ayaa ku tilmaamay tallaabada sharciga ah mid aan sal iyo raad toona lahayn.<\/p>\n<p>Sii Akhri<\/p>\n<p dir=\"ltr\" class=\"css-tmqcq9 e1yuyadm0\">Waxa ay sheegtay in saraakiishu ay beegsanayaan muhaajiriinta aan sharciga lahayn, isla markaana loo baahan yahay saraakiil dheeraad ah si loo dammaanad qaado badqabkooda xilliga hawlgallada.<\/p>\n<p dir=\"ltr\" class=\"css-tmqcq9 e1yuyadm0\">Shir jaraa&#8217;id oo Isniintii dhacay, ayuu Ellison ku sheegay in ciidamm#ada la geeyey halkaas ay ku xad-gudbeen &#8220;awoodda madax-bannaanida gobolka ee lagu ilaalinayo caafimaadka iyo fayo-qabka qof kasta oo ku dhex nool xudduudaheenna.&#8221;<\/p>\n<p dir=\"ltr\" class=\"css-tmqcq9 e1yuyadm0\">Duqa magaalada Minneapolis, Jacob Frey, ayaa ku eedeeyay in saraakiishu ay si sharci-darro ah u beegsanayeen dad ay u maleeyeen inay yihiin muhaajiriin iyagoo eegaya midabkooda ama haybtooda. Waxa uu sheegay in ficilladoodu ay keeneen kororka wicitaannada adeegyada degdegga ah, ayna ku qasbeen booliska magaalada inay shaqeeyaan saacado dheeraad ah si ay u baaraan dhacdooyinka lugta ku leh hay&#8217;adda Socdaalka iyo Fulinta Kastamka (ICE).<\/p>\n<p dir=\"ltr\" class=\"css-tmqcq9 e1yuyadm0\">&#8220;Shaqaalaysiinta sharci-darrada ah ee kumannaanka askari ee federaalka ah ee hubaysan, wejiyaduna u duuban yihiin, tababarkooduna liito, waxay dhib ku haysaa Minnesota,&#8221; ayuu yiri Ellison.<\/p>\n<p dir=\"ltr\" class=\"css-tmqcq9 e1yuyadm0\">Waxa uu ku eedeeyay maamulka Trump inuu &#8220;dhibaato ku hayo gobolka Minnesota sababo la xiriira aragtidayada siyaasadeed.&#8221; Xisbiga Dimuqraadiga ayaa hadda haya xilka guddoomiyaha gobolka, waxayna sidoo kale maamulaan guddiga xeer-dejinta ee gobolka.<\/p>\n<p dir=\"ltr\" class=\"css-tmqcq9 e1yuyadm0\">&#8220;Keith Ellison wuxuu maanta si cad u muujiyay inuu mudnaanta siinayo siyaasadda halkii uu ka eegi lahaa badqabka dadweynaha,&#8221; ayay Tricia McLaughlin oo ka tirsan Waaxda Amniga Gudaha ku tiri bayaan ay soo saartay.<\/p>\n<p dir=\"ltr\" class=\"css-tmqcq9 e1yuyadm0\">&#8220;Tani waa dacwad aan sal iyo raad toona lahayn, waxaanuna rajaynaynaa inaan maxkamadda dhexdeeda ku caddeyno.&#8221;<\/p>\n<p dir=\"ltr\" class=\"css-tmqcq9 e1yuyadm0\">Xilligii uu shirka jaraa&#8217;id socday, dacwad-oogayaasha ayaa sheegay inay isku dayi doonaan inay maxkamadda ka helaan amar lagu horjoogsanayo ciidammadan la geeyay, iyadoo amarkaas la filayo inuu soo baxo ugu horreyn Talaadada maanta ah.<\/p>\n<p dir=\"ltr\" class=\"css-tmqcq9 e1yuyadm0\">Tallaabadan ayaa timid xilli Waaxda Amniga Gudaha ee Mareykanka ay sheegtay inay qorsheynayso inay saraakiil dheeraad ah u dirto gobolkaas, taasoo qayb ka ah hawlgalkeeda loogu magac daray &#8220;Operation Metro Surge.&#8221;<\/p>\n<p dir=\"ltr\" class=\"css-tmqcq9 e1yuyadm0\">Waaxdu waxay sheegtay in ciidamadan la geeyay ay lagama maarmaan u yihiin la-dagaallanka socdaalka sharci-darrada ah iyo dambiyada. Sida lagu sheegay qiyaasihii ugu dambeeyay, ku dhowaad 2,000 oo sarkaal ayaa la geeyay Minnesota.<\/p>\n<p><img decoding=\"async\" src=\"https:\/\/www.europesays.com\/us\/wp-content\/uploads\/2026\/01\/f8f57460-efff-11f0-85ce-21b695a729bd.jpg.webp.webp\"   alt=\"Sarkaal socdaalka oo wejiga soo duubtay \" loading=\"lazy\" width=\"1003\" height=\"564\" style=\"aspect-ratio:1003 \/ 564\" class=\"css-1seqhu9\"\/><\/p>\n<p class=\"css-nyj3yn\" role=\"text\">Xigashada Sawirka, Getty Images<\/p>\n<p>Qoraalka sawirka, Dhammaadkii usbuuca, Xoghayaha Amniga Gudaha Kristi Noem ayaa u sheegtay Fox News in &#8220;boqollaal kale&#8221; loo diri doono aagga &#8220;si loogu oggolaado ICE iyo ilaalada xuduudaha ee ka shaqeeya Minneapolis inay si badbaado leh u qabtaan&#8221;.<\/p>\n<p dir=\"ltr\" class=\"css-tmqcq9 e1yuyadm0\">Dhammaadkii toddobaadka, Xoghayaha Amniga Gudaha Kristi Noem ayaa u sheegtay Fox News in &#8220;boqollaal kale&#8221; loo diri doono aagga &#8220;si loogu oggolaado ICE iyo ilaalada xuduudaha ee ka shaqeeya Minneapolis inay si badbaado leh u qabtaan&#8221;.<\/p>\n<p dir=\"ltr\" class=\"css-tmqcq9 e1yuyadm0\">Gobolka Illinois iyo magaalada Chicago ayaa Isniintii gudbiyay dacwad kan la mid ah oo ka dhan ah waxa ay ugu yeereen &#8220;duqeymo abaabulan&#8221; iyo &#8220;shakhsi&#8221; oo ay wadaan wakiillada socdaalka federaalka.<\/p>\n<p dir=\"ltr\" class=\"css-tmqcq9 e1yuyadm0\">&#8220;Ciidan lebisan, oo tababaran, oo sita hub yar-yar iyo hub heer-milatari ah, ayaa bilo ku dhex wareegayay Chicago iyo nawaaxigeeda,&#8221; ayay tiri dacwadda Illinois.<\/p>\n<p dir=\"ltr\" class=\"css-tmqcq9 e1yuyadm0\">Toogashada Good  ee toddobaadkii hore ayaa horseedday dood adag oo ku saabsan howlgallada sharci fulinta federaalka ee magaalooyinka Mareykanka. Saraakiisha dowladda Federaalka ayaa ku andacoonaya in haweeneydan 37-jirka ahayd markii la tooganayay ay isku dayeysay in ay jiirsiiso wakiillada socdaalka iyada iyo gaarigeeda. Mas&#8217;uuliyiinta deegaanka ayaa arrintan ku khilaafay, waxayna sheegeen in rasaasta aysan muhiim ahayn.<\/p>\n<p dir=\"ltr\" class=\"css-tmqcq9 e1yuyadm0\">FBI-da ayaa sheegtay inay baaritaan ku sameyn doonto toogashadaasi. Saraakiisha deegaanka ayaa sheegay in laga qariyay baaritaanka federaalka.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"Xigashada Sawirka, SOCIAL Article Information Gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka ayaa dacwad ku soo oogay maamulka Trump si&hellip;\n","protected":false},"author":3,"featured_media":513395,"comment_status":"","ping_status":"","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[5123],"tags":[1582,276,2961,224,5337],"class_list":{"0":"post-513394","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-los-angeles","8":"tag-ca","9":"tag-california","10":"tag-la","11":"tag-los-angeles","12":"tag-losangeles"},"share_on_mastodon":{"url":"https:\/\/pubeurope.com\/@us\/115888588766231791","error":""},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/www.europesays.com\/us\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/513394","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/www.europesays.com\/us\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/www.europesays.com\/us\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/www.europesays.com\/us\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/www.europesays.com\/us\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=513394"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/www.europesays.com\/us\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/513394\/revisions"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/www.europesays.com\/us\/wp-json\/wp\/v2\/media\/513395"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/www.europesays.com\/us\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=513394"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/www.europesays.com\/us\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=513394"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/www.europesays.com\/us\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=513394"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}